أسرار عربية / اليمن

أسرار الأسبوع: G/Barlamaanka DDSI:- Madaxweyne Cumar Meelna kuma sheegno

Warar dheeraad ah ayaa wali kasoo baxaya Xaaladda halista badan ee Jigjiga ay Saakay  ku waabriisatay.

Masuulkii ugu horeeyay ee Maamulka Dowlad deegaanka ayaa hadlay waxa uuna Sheegay in dhamaan Goobihii ay ku shaqeeynayeen ay la wareegeen Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Sponsored Links

Gudoomiyaha Barlamaanka Dowalad deegaanka Mudane Maxamed Rashiid Isaaq ayaa Sheegay in Goobaha lala wareegay ka sokoow aysan meelna ku sheegin Madaxweeynahoodii Mudane Cabdi Maxamed Cumar.

Sidoo kale waxa uu Gudoomiye Maxamed Rashiid intaa ku daray in aysan ogeyn Sababta Keentay in Dowaladda Federaalka Itoobiya ay sidan Sameeyso.

Meelaha lala wareegay waxaa kamid ah xaruntii Taliska, Tv-ga Dowald deegaanka, Iyo Goobta loo yaqaan Qaryan Dhoodaan oo ah rug dadka lagu madadaaliyo.

Xaaladan waxa ay u egtahay Afgambi, walisa xaalkoodu kalama cadaan Magaalada rabshado gacan ka hadal wata ayaa isqabsaday meel walba xaalkuna waa Alloow Sahal.

------------------------
الخبر : أسرار الأسبوع: G/Barlamaanka DDSI:- Madaxweyne Cumar Meelna kuma sheegno .. تخلي جريدة اسرار الاسبوع مسئوليتها الكاملة عن محتوي هذا الخبر وانما تقع المسئولية علي الناشر الاصلي للخبر و المصدر هو موقع : اليمن العربي

اشترك فى النشرة البريدية لتحصل على اهم الاخبار بمجرد نشرها

تابعنا على مواقع التواصل الاجتماعى

قد تقرأ أيضا